Market Renewal – Somali

MAALGELINTA MUSTAQBALKA SUUQA PRESTON
45-kii sanno ee la soo dhaafay Suuqa Preston wuxuu noqday qaybta dhexe ee Waqooyiga, kaas oo ka ciyaara door muhiim ah nolol maalmeedka bulsha weynta. Suuqa laftiisu waa suuqa ugu balaaran Melbourne, oo leh in ka dib 6000mitir oo laba jibaaran oo ah kireystayaasha suuqa oo ka bilaabanaya waxsoo saarka abuurka cusub ilaa dukaamada waaweyn iyo bakhaaro kala duwan. Cusbooneysiinta suuqa waxay ka dhigaysaa booskeeda ah goobta dukaameysiga iyo dhaqameedba tobonnaanka sare ee soo socda.

Waa maxay ilaa intay gaarsiisan tahay shaqada dib u cusbooneysiintu?
Sannadkan horaantiisa Golaha Magaalada Darebin waxay ogolaatay maalgelin weyn oo ah cusbooneysiinta suuqa jira

Qayb weyn oo ka mid ah qorshayaasheena waa in la kordhiyaa goobaha dadweynaha, waxaan rajaynaynaa suuqu inuu noqdo meel ay aad isugu timaado bulshadu. Shaqada waxaa ka mid noqon doona;
–    Heysashada dhismayaasha suuqa ee jira & ganacsatada
–    Hagaajinta makhaayadaha iyo ta-siilaadka wax dejinta
–    Dib u hagaajinta qolka weyn ee khudaarta iyo miraha
–    Dhulka dadweynaha oo la hagaajiyey; ammaanka & iskuxirnaanta gaaddiidka
–    Hagaajinta musqulaha iyo qolalka waalidka
–    Da’daalada ESD; tamarka qoraxda, nidaamka maareynta wasakhda, daaweynta iyo qabashada biyaha roobka, nalka LED, Dhirta
–    Xarunta Macluumaadka Macaamiisha iyo Maareynta Xarunta Cusub.
–    Goobaha carruurtu ku ciyaaraan.
–    Hagaajinta daahyada

Ku shuraakowga Horumarinta Suuqa Preston ee u dhaxeysa Medich Corporation iyo Salta Properties waxay ku maalgelinayaan wax ka badan $4 milyan dib u cusbooneysiinta suuqa. Shaqooyinka waxaa la filayaa in la dhammeystiro inta u dhaxeysa Oktoobar 2016 ilaa kala badhka 2017. Suuqu wuu furnaan doonaa inta shaqadu socoto.

Maxay waxyaaluhu isu bedelayaan?
Ilaa wakhti suuqu wuu daalanaa, dib u cusbooneysiinta waxay hubin doontaa in tas-hiilaadka la hagaajiyo si looga dhigo suuqa mid wax ku ool u ah ganacsatada oo ay ku jiraan tas-hiilaadka makhaayadaha xagga dambe iyo meelo ka fiican oo ay bulshadu isugu timaado.

Wax kasta oo aan jecel nahay ma laga waayayaa suuqa?
Taariikhda , kala duwanaanta dhaqanka iyo dadka suuqu waa waxa ka dhigaya wax khaas ah. Dib u cusbooneysiinta waxay deynaysaa dhismaha suuqa waxayna hagaajineysaa tas-hiilaadka dadka wax gadanaya iyo ganacsatada. Ganacsatada iyo qaabka suuqa ay bulshadu taqaano oo ay jeceshahay wuxuu la mid noqon doonaa midkaan ay hadda yaqaanayaan.

Miyaa la yareyn doonaa booska suuqa hadda jira gebi ahaan? Isku tiro ganacsata hadda jira ma loo ballan qaadayaa boos?
Shaqada dib u cusbooneysiinta suuqa awgeed waxaan filaynaa in suuqu koro iyo intirada ganacsatadu korodho.

Maxay noqon doontaa faa’iidada hagaajinta iyo horumarinta ee ganacsatada iyo bulshada kaleba?
Hagaajinta suuqu waxay ka dhigeysaa meel u fiican si isle’eg ganacsatada iyo waxgatayaasha. Waxaan furi doonaa boosas badan oo dadweyne waxaana siineynaa tas-hiilaad cusub, sida musqulo cusub, qolalka waalidka iyo goobaha carruurtu ku ciyaarto. Waxaanu gaar ahaan aad noola weyn hagaajinta waxyaalaha waara oo ay ku jiraan saxamada qoraxda, isla goobta ku daaweynta wasakhda  iyo dib u warshadeynta ka fiican.